Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday in uu qiro in Iran u hoggaansantay heshiiskii Nukliyeerka kaasi oo la saxiixay 2015, waxaa uuna ku tilmaamay Tahraan tahay maamul xagjir ah.
Trump ayaa waxaa uu ka dhawaajiyey inay arrinkaani uu hor geyn doono golaha Congress, si uu ula tashado isbaheysiga Mareykanka sidii isku shaandheyn loogu sameyn lahaa heshiiska Iran.
Waxaa uu ku tuhmay Iran in ay taageerto argigixisada,isaga oo intaasi raaciyay inuu xiri doono dhammaan wadooyinka ay Dahran ka hesho hubka Nukliyeerka.




From the comments