Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay ciidamada xoogga dalka ay wadaan u gargaaridda dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe isla markaana ka xukuumad ahaan ay dadka Soomaaliyeed la wadaagi-doonaan qaabka ay wax u caawin-doonaan.
Shacabka waxaa uu kula taliyay in gargaar iyo dhiig lala gaaro goobaha caafimaadka isaga oo inta kale ugu baaqay inay duceeyaan, waxaa uu sidoo kale siyaasiyiinta, ganacsatada iyo cid walba ugu baaqay in la yeesho midnimo qaran.
Dhinaca kale, Kheyre waxaa uu tacsi u diray dadkii qaraxa ku geeriyooday“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa dhammaan qoysaskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen dadkii ay weerarkii arxan darada ah u geysteen Shabaabku maanta, waxaan dhammaan umadda Soomaaliyeed mar kale xasuusinayaa inaan u gurmanno dadkii meesha wax ku noqday oo aan Alle u barino”.




From the comments