Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab uu ka socdo duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi.
Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Balliga oo duleedka ka ah Balcad, waxaana la isku adeegsanaya rasaas xooggan.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay ka hortageen weeraro ay ciidanka Al-shabaab la damacsanaayeen in mar kale kusoo qaadaan degmada Balcad iyo deegaanno kale.




From the comments