Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay magaalada Muqdisho usoo diri doonaan dhaqaatiir iyo sidoo kale diyaarad dawo ah, si ay uga qeybqaataan gurmadka wax loogu qabanayo shacabkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Zoobe.
Gaas ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin wixii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay iney u midoobaan la dagaalanka Al-shabaab.
Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in ay guddi wasiiro Puntland ah u saareen u gurmashada shacabka ay waxyeellada kasoo gaartay qaraxii Zoobe.




From the comments