Taliska ciidanka Booliiska degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ay ka sameeyeen duleedka degmadaasi kusoo qabteen rag hubeysan oo dadka dhac u geysan jiray.
C/risaaq Aadan Cali, taliyaha saldhigga Booliiska degmada Afgooye oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in raggan ay kusoo xireen saldhigga degmadaasi kuwo kalena ay ku raad joogaan.
Ma aanu sheegin taliyaha tirada raggan hubeysan ee ay gacanta kusoo dhigeen, balse wuxuu ku gaabsaday in hay’adaha garsoorka u gudbiyaan markii ay raggaasi qabtaan, kuna dhameeyaan baaritaanka.




From the comments