Boqolaal qof oo shacab ah, isuguna soo baxay maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa dhigay dibadbax ballaaran oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, sidoo kalena lagu cambaareenayey qaraxii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Dadkaan ayaa socod kusoo maray xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baydhabao, waxaana ay ku hadaaqayeen erayo ay ku diidan yihiin sii joogitaanka dalka ee Al-shabaab.
Ugu dambeyn dadkaan ayaa isugu yimid fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi kula hadlay wasiiro ka tirsan K/galbeed iyo maamulka gobolka Baay.




From the comments