Waxaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe lagu qabto isku soo bax baroordiiq ah, kaasi oo lagu muujinayo sida umadda Soomaaliyeed uga xumaatay qaraxii Zoobe.
Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa soo qabanqaabiyey isku soo baxan, waxaana maanta gabi ahaanba xiran xarumaha waxbarashada degmadaasi iyo sidoo kale qaar kamid ah xarumaha ganacsiga.
Mas’uuliyiin u hadashay maamulka Sh/dhexe waxay sheegeen in ay u duceyn doonaan dhammaan dadkii ku dhintey qaraxii Zoobe iyo sidoo kale kuwii ku dhaawacmay.




From the comments