Shacab aad u badan ayaa goor dhow waxay dibadbaxyo ay ku muujinayaan sidey uga xunyihiin qaraxii Zoobe ka bilaabeen magaalada Muqdisho.
Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa lagu arakayaa boqolaal shacab carreysan oo ku dhowaaqaya erayo ay ku diidan yihiin qaraxyada iyo dhibaatooyinka ka dhaca dalka, gaar ahaan magaalada.
Waxay sheegayaan dadkaan in aysan u dulqaadan doonin dhibaatooyin kale oo ka dhaca Muqdisho, waxaana ay sheegeen iney ka go’an tahay iney gacan adag isaga qabtaan cid walbo oo amniga wax u dhimeysa.




From the comments