Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u dayactir ku bilaabay laamiga Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku burburay qaraxii xooganaa ee 14-kii bishan ka dhacay halkaasi.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen in si mideysan u nadiifiyaan laamiga iyo goobihii ku burburay qaraxa, maadaama wadadaasina muhiim tahay ay ka maamul ahaan ku qasban yihiin in si degdeg ah dib ugu dhisaan.
Laamiga oo ka go’ay inta u dhaxeysa Hoteelkii Safaari iyo xaruntii Bisha cas oo labaduma ku burburay qaraxii dhacay ayaa durba waxaa la buuxiyey bohoshii weyneyd, iyadoo hadda laami la saarayo.





From the comments