Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dad lala xiriirinayo qaraxii xooganaa ee 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Ducaale Islow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay jiraan tiro dad ah oo qaraxaasi loo qabtay, balse wixii natiijo ah ay dib ka faah faahin doonaan.
Wasiirka ayaa sheegay in ay hayaan xoogaa xog ah, balse wuxuu tilmaamay in dib ay warbaahinta kala wadaagi doonaan, dhanka kalena wasiirka ma aanu sheegin tirada dadka ay u xireen qaraxii Zoobe.




From the comments