Saakay oo Sabti ah waxay gaadiidka dadweynaha dib u isticmaalayaan Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kadib qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyskaasi.
Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News oo soo maray halkaasi ayaa sheegaya in gaadiidka ay si caadi ah halkaasi u marayaan, iyadoo aanay jirin ciidan celinaya ama sidoo kale caqabad kale oo hortaagan.
Wixii ka dambeeyay 14-kii bishan waxaa Isgoyskaasi loo diidey iney maraan gaadiidka dadweynaha, sababtuna waxay ahayd halkaasi aad bay u burbursaneyd, dib u dhisna waa lagu waday.




From the comments