Madaxda Dalka Masar ayaa sheegay in 53 ka tirsan ciidamada ammaanka dalkaasi la dilay ka dib markii ay iska horumaad uu ku dhexmaray iyaga iyo kooxo hubeysan gobolka saxaraha galbeed.
Kooxahaan hubeysan ayaa waxay rasaar ku fureen ciidamada kuwaasi oo ku guda jiray howlo baaritaano ah sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar.
Iska horumaadka ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay 15 ka mida kooxihii weerarka ku soo qaaday ciidamada,kuwaas oo la aaminsanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda lagu magacaabo Xasma sida ay sheegayaan warbinnada.




From the comments