War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Federaaka Soomaaliya ayaa si kulul waxaa loogu cambaareeyay weerar khasaare kala duwan geystay, kaasi oo dhowaan lagu qaaday ciidamada ammaanka ee dalka Masar.
Waxay dowladda Federaalka ay shacabka iyo dowladda masar uga tacsiyeesay weerarkii ku bilowday qaraxa ee ay ku dhinteen 53 askari oo ka tirsanaa ciidanka Masar.
Qarax dhulka lagu aasay oo ka dhacay Gobolka Waaxda ee Dalkaasi Masar ayaa wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi Masar waxay ku eeedeysay in ay ka dambeeyeen kooxaha Ikhwaanul Muslimiin oo ku sugan dalkaasi Masar.




From the comments