Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa waxay ka wadahadleen xiriirka labageesoodka ee ka dhaxeeya labada dal, sidoo kale waxay soo hadal qaadeen arrinta Suuriya.
Ilo wareedyo ku sugan madaxtooyada Ruushka ayaa waxay sheegeen in labada mas’uul ay ku faraxsanyihiin sii socoshada xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Ruushka, waxaa ay tilmaameen heshiisyadii ganacsi iyo midkii dhaqaale oo ay wada saxiixdeen 24 bishii tagtay kaasi oo ka dhacay Ankara iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
Erdogan ayaa soo bandhigay aragtida uu ka qabo kulanka wadahadalka Astaan kaaasi oo lagu wado in la qabto dhamaadka bishaan loona qabto dhinacyada isku haya Suuriya.




From the comments