Warar goor dhow ay heshay Goobjoog News, ayaa sheegaya in Miino ku aasneyd ay ku qaraxday gaari Homey ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah, kaasi oo marayey Tuulada Daniga oo isku xirta Afgooye iyo Balcad.
Daniga ayaa 11-km u jira degmada Balcad, waxaana la sheegay in gaarigan uu ka ambabaxay degmada Afgooye, waxaana saarnaa haween la sheegay iney Cowska ka ganacsanayeen.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho, iyadoo inta badan dadkii saarnaa gaari ay dhinteen, balse weli tiro rasmi ah lama hayo.




From the comments