Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe lagu qabto munaasabadda Caleema Saarka madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare.
Magaalada Jowhar waxaa aad looga dareemayaa qabanqaabada munaasabaddan, iyadoo lasoo sheegayo in amniga guud ee magaaladaasi aad loo adkeeyay.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa adkeeyay amniga Jowhar, waxaana si gaar ah ay u adkeeyeen halka la doonayo in lagu qabto munaasabadda Caleema Saarka.




From the comments