Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.
Waxa uu Ra’iisul wasaaraha magaaladaasi kaga qeybgali doonaa munaasabadda Caleema Saarka ee madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, taasi oo maanta ka dhici doonta magaalada Jowhar.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgala sida qorshaha yahay madaxda maamul goboleedyada dalka, iyadoo ammaanka magaaladaasi aad loo adkeeyay.




From the comments