Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay muhiim tahay soo afjaridda khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Ra’iisulwasaaraha ayaa tilmaamay in haddii ay jirto waxyar oo khilaaf ah oo u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ah laga tago loona jeesto sidii midnimo iyo amni lagu heli lahaa.
“Wax yar oo khilaaf ah waxay aheyd inaan ka barano inaanu xoogga saarno midnimo dadka Soomaaliyeed, waxay u baahanyihiin amni waxay u baahanyihiin horumar, waxay u baahanyihiin xuriyad, waxay u baahanyihiin dhaqaale oo dalkooda iyo dadkooda ay ku dhaqmaadaan”.




From the comments