Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in aan la aqbali karin in qabyo uu ahaado dastuurka dalka loona baahanyahay in la dhameystiro, si uusan u dhicin iska horumaad iyo is qab-qabsi ku saleysan dhanka dastuurka.
Madaxweynaha oo ka hadlay xaflad lagu caleemo-saarayey Isniintii oo ka dhacday Jowhar ayaa intaasi ku daray in hadii uusan jirin sharci dadka kala saara ay keeneyso in maalin walba la is qabsdo dhibaatadana ay taagnaaneyso waligeed.
Waxaa u tilmaamay inaysan qabanin umadda Soomaaliyeed in maalin walba la dhaho dastuurka waa qabyo oo lagu dhaqmi mayo isaga oo hoosta ka xariiqay in madaxweynaha lagu doortay dastuurka.




From the comments