Safiirka Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa la sheegayaa in ay isniintii xaaladda Soomaaliya uga hadashay kulan ay la yeelatay madax Afrikaan ah oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya.
Kulankan waxaa uu dhacayaa maalmo kadib qaraxyadii mataanaha ahaa ee Oct. 14, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 358 halka dhaawacuna uu ka badan yahay 228.
“Waxaan sii wadeynaa taageerada aan siinno AMISOM” sidaasi waxaa ay Haley ku sheegtay shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Adis Ababa, ee dalka Itoobiya.




From the comments