Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa deegaannada Carbiska iyo Lafoole ayaa waxay sheegayaan in ciidanka AMISOM ay halkaasi ku dileen arday iyo macallimiintooda.
Ciidamadan oo marayey meel aan ka fogeyn jaamacadda beeraha ayaa la sheegay in lala eegtay qarax miino oo aad u xooggan, balse qaraxa kadib ciidanka AMISOM waxay fureen rasaas badan.
Qoriga baasuukaha ayaa la sheegay iney ku dhufteen Iskuulka Al-furqaan oo ku yaalla halkaasi, waxaana ku dhimatay in ka badan 15 qof oo Arday iyo macallimiin isugu jira, iyadoo dhaawacna uu jiro.




From the comments