Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu u ambabaxo dalka Turkiga sidey inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Waxa uu Ra’isul wasaaraha lasoo kulmi doonaa madaxda sare ee dalka Turkiga, waxaana ay ka wada hadli doonaan arrimo ku adan xiriirka Labada dal.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa dalkaasi ku booqan doona dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe, gaar ahaan kuwa lagu daweynayo Isbitaallada ku yaalla dalkaasi.




From the comments