Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in madaxda dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ay isku soo afgarteen in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhiggiisa Mudane Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka aqbaleen in ay kordhiyaan dadaalada dalalkooda ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagaga xoraynayo Alshabaab guud ahaan dalka.
“Waxaan u safarnay sidii aan garab ugu heli lahayn dar-dar gelinta dagaalka aan dalka kaga xoraynayno Alshabaab, Alle waa nagu guuleeyey. Madaxdu waxa ay ballan qaadeen in ay ka jawaabaan codsigeenii ahaa in la xoojiyo ciidamadeenna oo qalab iyo agabka ay u baahanyihiin nagu gacansiiyaan.”





From the comments