Goobjoog

Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Jubada Hoose

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in maanta uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose. Ciidamada Al-shabaab ayaa jidka u galay…

Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Jubada Hoose

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in maanta uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada Al-shabaab ayaa jidka u galay ciidamada Jubbaland oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Buulo-gaduud iyo Wurkooy ee gobolkaasi, waxaan dhacay dagaa xooggan.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka aanu si rasmi ah u joogsan, dhankooda ay badqabaan islamarkaana ay gubeen gaari HOMEY oo ay la socdeen dagaalyahannada wax weeraray, ayna dileen 9 dagaalyahanno, waa sidey hadalka u dhigeenne.

Waxay sheegeen saraakiishaan in markii horeba ciidamada Jubbaland ay u socdeen deegaanno Al-shabaab  kaga sugnaayeen gobolkaasi.

Dhanka kale, Al-shabaab weli kama aanay hadal dagaalkan ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo khasaaraha la sheegay in dhankooda lasoo gaarsiiyay.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments