Dibadbaxyo xooggan ayaa lagu soo waramayaa iney goor dhow ka bilowday magaalooyin kamid ah dalka Kenya, gaar ahaan meelaha ay ku xooggan yihiin taageerayaasha xisbiga mucaaradka dalkaasi ee NASA.
Taageerayaashan ayaa waddooyinka waaweyn ku gubaya taayerada gaadiidka, waxaana sidoo kale ay dhagxeynayaan ciidamada ammaanka iyo xarumaha ganacsiga.
Ciidamada ammaanka Kenya ayaa wada dedaal ay ku doonayaan iney ku xalliyaan xiisaddan jirta, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamo badan ay ku baxeen dadka dibabaxaya.




From the comments