Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan inuu kordhay khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay bariga gobolkaasi, kaa oo u dhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.
Inkastoo dagaalka uu hadda u muuqdo mid ka yara qaboobay sidii hore ayaa waxaa lasoo sheegayaa in khasaare badan uu ka dhashay.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey dad ka badan 10, una badan dhinacyadii dagaallamayey, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 20 kale, sidey sheegayaan saraakiisha caafimaadka iyo sidoo kale dad ku dhow halka lagu dagaallamayo.




From the comments