Qaraxii 14kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe waxaa uu dhibaateeyay qoysas badan oo Soomaali ah, qoysaskaas oo ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Goobjoog News ayaa warbixintan ku eegi-doonta dadkii wax ku noqday qaar ka mid ah, innaga oo la kulanay ehaladooda, lana sheekeysanay, si ay wax uga sheegaan.
Qoraalkan hoose waxaa laga sameeyay Ganacasade, Caruur, Ardey iyo Saxafi goobta qaraxa ku dhintay, isku shaqo ma aheen, isma aqoon laakin qaraxa ayey ku dhinteen.
Axmed Cabdikarim Ciyow:
Marxuum Axmed Ciyow oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxii Zoobe waxaa uu ka yimid dalka Mareykanka, keliya 4 saac ayuu joogay Muqdisho, Hotel Safaari ayuu degay, waxaa uu ahaa 50 jir.
Maxamed Daahir Faarax oo ay saxiibo ahaayeen ayaa Goobjoog News u sheegay in uu dalka u yimid sababo la xiriira in uu ganacsi ka sameysto, laakin waxaa uu ku dhintay qolkiisa.
Marxuumka intii Mareykanka joogay waxaa uu ka qalin-jabiyay Metropolitan State University, waxaa uu lahaa xaas iyo 3 caruur ah.
Marxuum Cali Nuur Oo VOA Sawir-qaade u ahaa Ayaa Ku Dhintay Qaraxa Zoobe.
Bakar waxaa Cali Nuur walaalkii, waxaa uu Goobjoog News uga sheekeeyay markii ugu war dambeysay iyo noloshiisa sida ay aheyd qaraxa ka hor.
“ Waaga markuu baryey gurigiisa wuu ka soo tagey, wuxuu yimid shaqadiisii ku meel gaarka aheyd ee xafiiskii VOA ay ku la heyd KM5 dhismaha Bisha Cas, meeshuu yimid halkaasuu ka shaqeynaayey Filim uu ka soo duubay magaalada oo VOA uu u diyaarinayey shaqadii isaga oo wato ayuu soo baxay meel maqaayada ayaan is kugu nimid, maqaayad ayaan ka qadeynay sideed saac iyo rubi markaay tahay waan qadeynay waan kala tagnay markaas ayaa is kugu keen dambeysay .
Maqaayadda markaan ka qadeynay shaqadiisa ayuu u laabtay aniga shaqeyda kale ayaan iska raacday, maray aheyd sagaal saac iyo labo iyo toban daqiiqo ayaan waxaan maqlay jug weyn ugu horreyn qofkii ugu horreeyay oo aan waco isaga ayuu ahaa nambarkiisa markaan wacana jaam ayaan ka arkay saan u raadinaayey xiriirkiisa iyo cid waliba u raadineysay, waxaan ogaanay in Cali Nuur uu ku dhintay xafiiska uu ka shaqeynaayey ee VOA ka deganeyd dhismaha bisha cas KM5 Zoope.
Waxaa uu ahaa Cameroman oo kaamiro ku shaqeysto wuxuu la shaqeynaayey mid ka mid ah shaqaalaha VOA yarka walaalkey ah qaabkaas ayuu u dhinty.
Wuxuu aad u jeclaa kaamiro maan iyo saxaafadda ayuu aad u jeclaa, wuxuu noqday kaamiro maan dhowr filimo oo uu soo duubay xitaa waan arkay anigu oo uu u diray VOA, wuxuu aad u jeclaa saxaafadda, howshii wuu helay si ku meel gaar ah ayuu ula shaqeynaayey VOA waxaa la yiri mardhow ayaa si sharci ah laguu shaqaaleysiin doonaa.
Waxaa uu lahaa xaas waxaa uuna dhalay saddex caruur ah labo gabdhood iyo halwiil hal gabar way ka saqiirtay hadda waxaa u jooga hal will iyo hal gabar”.
Aabo Cumar Xaaji Maxamed Oo Labo Caruur Ah Ku Waayey Qaraxii Zoobe:
Aabo Cumar waxaa uu meherad ku lahaa isgoyska Zoobe, waxaa xilliga uu qaraxa dhacayey gadayey labo caruurtiisa ah oo kala ah: Bashiir iyo Maryan, labadaba waa lagu waayey nolol iyo geeri
Aabo Cumar waxaa uu Goobjoog News uga waramay arrinta sida ay u dhacday“ alxamdulillaahi dhibaatadu waxay aheyd mid guud ma aheyn mid gaar ah oo wadanka dhan ayey masiibadu ku dhacday aniga waxaan ahaa in kastoo naafo ahay, hadana waxay ahay nin shaqeysan jiray ma aheyn nin fiiriya gacmaha bani’aadanka nin shaqeysto oo ilmihiisana u shaqeeyo reerkiisana u shaqeeyo ayaan ahaa .
Ilmaha iskuulaad ayey dhigan jireen qaarkood hadda ayey dhigtaan dugsiyada jaamacado qaar ayaa ii dhigto waxaan ahaa nin reerka dhan iyo baahiyadooda ilaahey la kaashto oo isku kalsoon ayaan ahaa.
Ilmaha kuwo lixaadkooda waa taam kuwana waa naafo aniga ayey iraaceen marka kuwii kuwa lixaadkooda taamka ahaa gabar iyo wiil ayey ahaayen waxayna dhigan jireen iskuul meeshii ayey qadartii ku qabsatay.
Aroortii ayey waxay I keeni jireen markaan soo wada quraacano meesha maheradda oo sandaqad aheyd iina saarnaa nuucyada kala duwan ee bagaashka sandaqadda waa aay kobocday Viiga caruurta halkaasi ayaan ka bixin jiray.
Maalintii sabtida aheyd waxaa dhacday meeshii ayey iigu yimaadeen waa ay ibadaleen guriga ayaan aaday markii ay tahay casirkii ayaan waxaa maqlay qarax anigoo gurigii joogo markii aan meeshii fiiriyana waa isgoyska Zoope, gabadhii iyo wiilkii raq iyo ruuq waa la waayey waxaa loo badinayaa inay geeriyoodeen”.




From the comments