Qoysas barakacayaal ah oo bilhii lasoo dhaafay ku sugnaa duleedka xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka cabanayaan xaalado bani aadanimo oo isbiirsaday kuwaas oo ay ugu horeeyaan nolol xumo xagga caafimaadka, waxbarasho iyo biyo la,aan iyo dhibaatooyin kale.
Waxaa jira goobo waxbarasho xagga qur’aanka ama Maadiga lagu dhigo balse ay Macaliinta ka cabanayaan dhibaatooyin.
Iidle Cumar oo ah gudoomiyaha xeradan feer sagaaro ee duleedka magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada Calanleey ayaa Goobjoog News u sheegay in xerada ay ka jiraan xaalado banii’aadnimo oo xagga caafimaadka, waxbarasho iyo biyo la,aan iyo dhibaatooyin kale.




From the comments