Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Buulo-gaduud ee gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada Jubbaland.
Goob jooge ayaa inoo sheegay in ay ka war heleen madaafiic kusoo dhaceysa deegaankooda, wuxuuna shegay in dhowr madfac ay bartamaha deegaanka ku dhaceen, halka kuwo kalena ay banaanka ku dhaceen.
Ma jirto wax khasaare ah oo lasoo sheegayo in madaafiicdaasi ay ka dhalatay, hase ahaatee waxaa jira dhowr madfac oo gudaha u galay saldhig ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin halkaasi.




From the comments