Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo qarax gaari oo gabal dhacii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan ka kala dhacay banaanka Hotelka Naasa Hablood 2 ee degmada X/weyne iyo nawaaxiga taalada Daljirka Daahsoon.
Qaraxii ka dhacay Hoteelka Naasa Hablood 2 ee degmada X/weyne ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen dad gaaraya 10 iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.
Wararku waxay sheegayaan in caawa rasaas laga dhex maqlayo gudaha Hoteelka Naasa Hablood, iyadoo weli hay’adaha ammaanka aanay faah fahinno bixin.




From the comments