Ra’iisulwasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa jimcihii kala diray baarlamaankii Calotonia isaga oo tilmaamay in la qaban doono doorashooyinka gudaha 21 bisha December ee soo socota.
Arrinkaani ayaa yimid ka dib markii baarlamaanka gobolka Catalonia uu isku raacay shalay oo jimco aheyd iney ku dhawaaqaan madaxbanaanida ay ka qaadanayaan xukuumadda Spain.
Dhibaatada ka taagan Catalonia ayaa timid markii mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Catalonia ay bilaabeen afti qaadis ay kaga go’ayaan Spain waxayna maxkamadda dastuuriga ah ay arinkaasi ku tilmaantay mid aan sharci aheyn.




From the comments