Wararka ka imaanaya xaafadda Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi goor dhow lagu diley sarkaal ka tirsanaa ciidanka Badda Soomaaliyeed.
Sarkaalkan la diley ayaa magaciisa lagu soo koobay Cantar, waxaana la sheegay in isaga oo ku sugan gurigiisa oo halkaasi ku yaallay ay soo weerareen Saddex qof oo bistoolado ku hubeysanaa.
Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in sarkaal Cantar uu marka hore iska difaacay dableydii soo weerartay oo uu mid kamid ahaa meesha ku diley, balse isna ugu dambeyn ay dileen Labadii kale ee soo hartay.




From the comments