Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Süleyman Soylu iyo wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa ku heshiiyey jimcihii in labada dal ay si simman ula dagaalaan argigixisada.
Arinkaani ayaa yimid ka dib markii wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Süleyman Soylu uu ku soo dhaweeyay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Abuukar Islow iyo wafdi la socday magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga sida ay sheegeen ilo dhanka amniga ah.
Ilo wareedyadaan ayaa waxay tilmaameen in labada wasiir ay isla gorfeeyeen sidii la is kaga kaashan lahaa la dagaalanka ururka Fethullah Gülen ee argigixisada ah.




From the comments