Goobjoog

Meydad Hor Leh Oo Laga Soo Saaray Hoteelka Naasa Hablood 2 Ee Muqdisho

Wararka ka imaanaya Hoteelka Naasa Hablood 2, degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Meydad hor leh laga soo saaray halkaasi oo gabal dhacii shalay ay weerar ku…

Meydad Hor Leh Oo Laga Soo Saaray Hoteelka Naasa Hablood 2 Ee Muqdisho

Wararka ka imaanaya Hoteelka Naasa Hablood 2, degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Meydad hor leh laga soo saaray halkaasi oo gabal dhacii shalay ay weerar ku qaadeen rag ka tirsan Al-shabaab.

Wararku waxay shegayaan in gudaha Hoteelka laga soo saaray illaa 8 Meyd, kadib markii dowladda ay soo gabagabeysay howlgalkii ay ka wadday hoteelkaasi, dagaal illaa habeenkii xalay ahaa halkaasi ka socday.

Dadka meydadkooda lasoo saaray saakay ayaa u badan shacab, kuwaasi oo la sheegay iney toogten raggii hubeysna ee gudaha hoteelka ka dagaallamayey.

Weerarka Hoteelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho waxaa ku dhintey mas’uuliyiin isugu jira kuwo maamul goboleed, xildhibaan hore iyo dad shacab ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments