Waxaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu magaalada Muqdisho ka furmo shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.
Sabtidii shalay ayuu ahaa qorsha furitaanka shirkan, hase ahaatee madaxda maamul goboleedyada oo shalay imaanayey ayaa dib loogu dhigaye.
Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in maanta oo Axad ah uu shirkaan furmi doono.




From the comments