Waxaa goor dhow xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ka furmay shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kaasi oo looga hadlayo arrimo muhiim ah.
Inkastoo aan shirkaan lasoo bandhigin ajendihiisa, ayaa hadana wararka waxay sheegayaan in hadda uu yahay furitaan oo kaliya, gelinka dambe ee maantana si rasmi ah loo guda galayo ajendaha shirka.
Waxaa ka qeybgalaya shirkaan madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre, madaxda 5-ta maamul goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.




From the comments