Wareegto kasoo baxday maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu mamnuucay in gaadiidka Booyadaha aysan magaalada Muqdisho isticmaali karin 7-da subaxnimo illaa iyo Sideedda fiidnimo.
Sidoo kale wareegtadan ayaa lagu sheegay in gaadiidka xmauulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka ah uu dhibaato u geystay shacabka.
Waxaa lagu wargeliyey dhammaan darawallada gaadiidkan in ciddii jabisa ammarkaan lagu ganaaxi doono Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah.




From the comments