Guddiga adeegga garsoorka K/galbeed oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay sheegeen iney xilkii ka qaadeen guddoomiyahii maxkamadda sare ee maamulkaasi, Sheekh Axmed C/laahi Xuseen Fanax oo dhowaan magaaladaasi ka sheegay in maxkamadda shaqadeeda loo wareejiyey degmada Afgooye ee Sh/hoose.
Waxay guddigan sheegeen in warkii uu sheegay guddoomiyaha uu yahay waxbo kama jiraan, waxaana ay tilmaameen in khilaaf horey uga dhex jiray iyaga iyo guddoomiyaha uu xalliyey madaxweyne Shariif Xasan.
Guddiga ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha ay xilka ka qaadeen inuu ku kacay falal ka dhan ah sharciga, sida in lacag uu weydiistay dad dan yar ah oo cadaalad raadis ah.




From the comments