Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in shirka magaalada Muqdisho uga furmay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada looga hadli doono arrimo badan oo amniga ugu horreeyo.
Waxa uu sheegay madaxweynaha in waxyaabaha diiradda lagu saarayo ay ugu horreyso sidii la isugu dhafi lahaa ciidamada dowladda dhexe iyo guud ahaan kuwa maamul goboleedyada, si ay u qaadaan weerar mideysan oo ka dhan ah Al-shabaab, meel walbana laga qaado.
“Shirkaan waa muhiim, muhiimaddiisa ugu horreysa waxaan diiradda ku saareynaa sidii aan ciidamadeenna aan isugu dhafi lahayn, Shanta dowlad goboleed iyo dowladda dhexe, sidii ciidankeeda isugu dhafi lahayn oo meel walbo uga qaadi lahayn weerarka ama hujuumka, howshaasina runtii inta uu shirkaan dhammaan waxaan rajeyneynaa inaan aan bilowno ama dhameystirno qaabkii an u dhisi lahayn ciidanka, miisaaniyaddii aan siin lahayn, qalabkii ay u baahnaayeen, dad naguma yara, taas waa xaqiiqo, laakiin waxaan ka gaabinnay oo xaqiio ah inaan abaabulno dadkii, fursad fiican baan hadda haysannaa marka oo aan u bedali karno dhibkii dhacay inaan dadku ku abaabulno, waxaana aaminsanahay inaan ku guuleysanayno haddii aan adeegsanno culimada, ururada bulshada, warbaahinta adeegsanno, siyaasiyiinta khilaafka iyo waxyaabaha yar yarka isku haynno isku ilowno, aan iskaashanno annaga iyo dowlad goboleedyada, waxaan aaminsanahay in shacabka aan kicin karno” ayuu yiri madaxweynaha.




From the comments