Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in Labo qof ay ku dhimatay magaaladaasi, kadi rasaas ay askar ka tirsan ciidanka Puntland ku fureen dad dibadbaxayaal ah.
Wararka waxay sheegayaan in ciidamadan ay isku dayeen in ay boqolaal qof ku kala eryaan rasaas, hase ahaatee rasaas ay ciidanka si hoose ugu tuureen dadkii dibadbaxayey ayaa la xaqiijiyey in dadkaan ay ku dhinteen.
Xaaladda guud ee Boosaaso ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ay xiran yihiin dhammaan xarumaha ganacsi ee magaaladaasi.




From the comments