Dhageyso: Dhallinyarada Muqdisho Oo La Xisaabtamaya Dowladda Federaalka
Kulan ay ka qeybgaleen dhallinyarada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimo badan oo dhanka ammaanka u badan. Dhallinyarada kulankaan ka qeybgalay ayaa sheegay in dowladda Federaalka aanay wax badan ka qaban…
Published November 1, 2017
Akhris 2 daqiiqo ah
Kulan ay ka qeybgaleen dhallinyarada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimo badan oo dhanka ammaanka u badan.
Dhallinyarada kulankaan ka qeybgalay ayaa sheegay in dowladda Federaalka aanay wax badan ka qaban ammaanka dalka, iyadoo talooyinkii lasoo jeediyey ay kamid yihiin in la bilaabo isla xisaabtan iyo in la weydiiyo mas’uuliyiinta dowladda cidda qaadaneysa mas’uuliyadda qaraxii Zoobe ee dhacay 14-kii October.
Dr. Cumar Aadan Rooble oo kulankaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in loo baahan yahay isla xisaabtan, islamarkaana dowladda lagula xisaabtamo wixii dhacay.
Axmed Haadi oo kamid ah dhallinyarada kulankaasi soo agaasintay ayaa sheegay in ka dhallinyaro ahaan ay sugayeen isbedal weyn, balse aysan hadda arag wax weyn oo muuqda.
Dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa markaan diyaar u ah iney dowladda Federaalka kula xisaabtamaan wixii ay qabatay iyo sidoo kale iney ku kormeeraan dayaca shaqo ee jira.
From the comments