Hay’adda Cilmi baarista ee Heritage ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in natiijo wax ku ool ah ay kasoo baxdo shirka magaalada Muqdisho uga socda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.
C/rashiid Khaliif, agaasimaha hay’addaasi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in wax walbo oo la kala tabanayo la isugu yimaado miiska wadahadalka.
Waxa uu sheegay agaasimaha iney wanaagsan tahay shirkaasi lagu soo daro cid walbo oo ay quseyso ajendaha shirka, sida arrimaha Dastuurka, doorashada iyo wixii lamid ah.




From the comments