Golaha amniga qaranka oo shirkoodii Labaad maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay meelmariyeen qorshaha difaaca qaranka.
Shirkaan oo arrimo badan looga hadlay waxaa shir guddoominayey madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, taliyeyaasha ciidamada iyo madaxda maamul goboleedyada.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in shirka sidoo kale ay isku raaceen dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada in si wadajir ah loola dagaallamo Xarakada Al-shabaab.




From the comments