U bood dhigaalka

Shirmadaxeedka Dahraan Oo Looga Hadlay Tamarta, Amniga Iyo Ladagaalanka Argigixisada

Sheeko:Dalka

Magaalada Dhahran ee caasimadda Iran ayaa waxaa ka furmay shir madaxeed u dhaxeeya madaxda dalalka Ruushka ,Iran iyo Azerbaijan.

Vladimir Putin ayaa waxaa uu la kulmi doonaa hogaamiyahay ruuxiga ah ee Cali Khumeyni waxayna kawada hadli doonaan waxyaabaha ka soo cusboonaaday wadamada Suuriya, iyo Kurdistaanka Ciraaq.

Madaxda dowladahaan saddexda ah ayaa waxay isla gorfeeyeen sidii ay is kaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga,ladagaalanka argigixisada iyo mashaariicda tamarta iyo xiriirkooda dhaqaale.

Madaxdaan ayaa waxay sheegeen in xalka Suuriya uu ku jiro inay iska kaashadaan Iran iyo Ruushka iyaga oo tilmaamay iskaashigooda inuu meesha ka saarayo Mareykanka .

Goobjoog News