Shirkadda China Poly Group ayaa la sheegayaa in bilaabeyso dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaray dhulka Soomaalida Itoobiya bartamaha sanadka 2019ka, sidaasi waxaa sheegay wasiirka Petrolka dalka Itoobiya Motuma Mekassa.
Ceelashan waxaa lagu xiriiriyay tubooyin 700-kilometer (435-mile) gaaraya, waxaana laga dhoofin-doonaa dalka Djibouti, Gaaskan waxaa loo dhoofin-doonaa qaaradda Asia.
Ethiopia ayaa waxaa ay baadi-goob ugu jirtaa gaaska dabiiciga ah iyo ilo kale oo dhaqaale si ay u sii xoojiso dhaqaalaheeda gaaraya $72.3 billion , waana dalka ugu dhaqaale koboca badan Afrika.




From the comments