Waxaa dib si KMG ah u shaqo bilowday dekadda weyn ee magaalada Boosaaso kadib markii aanay shaqeyn ku dhowaad 7 cisho, muranno soo kala dhexgalay ganacsatada iyo shirkadda DP World.
C/llaahi Saciid Gaarshe, wasiirka maaliyadda Puntland ayaa sheegay in hadda la isku raacay in muddo 10 cisho ah ay shaqeyso dekadda, maadaama ay ku xirnaayeen maraakiib u raran ganacsato Soomaaliyeed.
Wuxuu tilmaamay in 10-kaasi maalin kadib la isku imaan doono, islamarkaana la shaacin doono nidaamka shaqo ee dekadda, maadaama hadda lagu wareejiyey DP World.




From the comments