Milkiilayaasha gaadiidka Xamuulka ee Muqdisho ayaa ka cabayana wareegto dhowaan uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi, taasi oo lagu sheegay in gaadiidka Xamuulka gaar ahaan kuwa Booyadaha aanay maalintii Isticmaalin karin waddooyinka Muqdisho.
Qaar kamid ah Milkiilayaashan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan arrintan, waxayna tilmaameen in dekadda aana habeen kasoo bixi karin, maalintiina aan la socon karin.
Waxay ka dalbadeen duqa Muqdisho in dekadda laga soo fasaxo Maqribkii kadib, balse aanay suurtagal ahayn in habeenkiina aysan dekadda kasoo bixi karin, maalintiina aanay socon karin.




From the comments