Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay sidii ay ula dagaallami lahaayeen Xarakada Al-shabaab iyo Daacish.
Waxa uu sheegay wasiirka in duqeyntii ka dhacday gobolka Bari ay daliil u tahay in Puntland ay wax walbo kula dagaallami doonto Daacish iyo Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Annaga Puntland haddii aan nahay argagaxisada ha ahaadeen Al-shabaab ama Daacish meel walbo ay joogaan dagaal baan ugu taagannahay iyo umadda Soomaaliyeed inaaney dhibaateen, kuwa Muqdisho dadka ku qarxinaya iyo meelaha kale weeye, annagane waxa weeye waligeenba waan la dagaallameennay hadane Puntland wey la dagaallameysaa haddii ay diyaarado tahay iyo haddii ciidanba tahay waa lagula dagaallamayaa, umadda reer Puntland waxaan leenahay wixii horumarka Puntland hortaagan isku aragti bay ka yihiin” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland




From the comments