Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysan bistoolado ay halkaasi ku dileen qof la sheegay inuu deegaanka ahaa.
Ninka la diley ayaa lagu magacaabaa Maxamed Geesey, waxaana si aad ah looga yaqaanaa degmada Afgooye.
Dilka kadib, waxaa lasoo sheegayaa in goobtaasi ay ka baxsadeen raggii dilkaasi ka dambeeyay, iyadoo halkaasina ay gaareen ciidamada ammaanka oo howlgallo wada.




From the comments