Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay la kulantay 31 cabasho oo ka dhan ah shaqaalaheeda kuwaas oo ku saabsan inay geysteen tacadi jinsiyadeed.
Arrinkaani ayaa waxay geysteen shaqaalaha qaramada midoobay intii u dhaxeysay bilihii Julay iyo September ee sanadkaani.
Qaramada midoobay ayaa heshay 12 cabasho oo dhan ah ciidamada nabad ilaalinta, 19 ka dhan shaqaalaha wakaaladaha iyo barnaamijyada qaramada midoobay oo ay ka midyihiin santuuqa qaramada midoobay ee caruurta “UNICEF” iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga.




From the comments